U Gaar Ah Ragga: 4 Sifo Oo Ragga Ah Oo Caajis Ku Rida Dumarka, Iska Ilaali Ninow.

Daraasad dhawaan la soo saartay ayaa sheegtay 4 sifo oo ay Ragga qaarkood leeyihiin kuwaas oo gabadha ku keenta caajis ugu dambayna ay sabab u noqoto in ay isaga fogaato Ninka.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sifooyinka:

1.Ninka Muujiya Akhlaaq Badan Sabab La Xidhiidha In Si Ay U Jeclaato Gabadhu:

Dumarka ayaa rumaysan in Ninka Noocan oo kale ah uu noqdo mid lagu caajiso kadib muddo marka ay la socoto waxana uu iska dhigaa mid fiican si ay gabadhu u jeclaato laakiin arintaas waxba kama jiraan.

2.Bilowga Xidhiidhka:

Sida lagu xusay daraasadda, ninku wuxuu u muuqdaa inuu yahay qof akhlaaq badan, isla markaana ma arko in haweeneydu aysan go’aan ka gaarin inay xidhiidh la samayso isaga maadama uu muujiyay Akhlaaq xad dhaaf ah oo keenaysa in ay gabadhu ku caajisto.

3.Ninka Ula Dhaqma Sida Saaxiibkiis laakiin Aan Ula Dhaqmin Gabadh Ahaan:

Dumarka ayaa arintaas u arka dhankooda in uuna Ninku wax Daryeel ah u hayn dumar ahaan, gabadhu Ragga kama raadiso saaxiibtino laakiin waxa ay jeceshahay in uu u qiimeeyo gabadh ahaan.

4.Ninka Aan Ka Fikirin Quruxdeeda Laakiin Kaliya Ku Qiimeeya Akhlaaqdeeda:

Waa dhab in hadii aynu somali nahay fiicantahay in ay gabadhu lahaato Akhlaaq laakiin dumarka ayaa ugu horayn jecel in uu Ninku ku qiimeeyo quruxdeeda kadib uu qiimeeyo Akhlaaqdeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*