U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Nidaamin Kartaa Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan?

Nidaaminta Kulanka sariirta ee bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa dhibaato weyn ku ah qoysaska iyo waliba lamaanayaasha is qaba sabab la xidhiidha Axkaam sharci ah oo saabsan kulanka sariirta ee bisha Barakaysan iyo waliba wakhtiga oo aad u yar.

Wakhtiga Munaasibka ah ee kulanka sariirta:

Afurka ayaa ah cunto Aas-Aasi ah bisha Ramadaan iyada oo uu qofka Sooman cuno cunto fudud iyo sharaab marka uu Af-furayo waxana ay arintaas keentaa in uu Ninku Doono kulanka sariirta wax yar kadib Af-furka waxana ay arintaas u baahantahay dadaal aad u weyn taas oo keenta in ayna labada qof ku guulaysan kulanka sariirta.

Baadhitaano badan ayaa sheegay in wakhtiga ugu fiican ee kulanka sariirta ee lamaanuhu tahay 3 ilaa 4 saac kadib Af-furka iyo wixii habeenka ka oo dhan ah ka hor inta aan la gaadhin suxuurta maadama uu jidhku wakhtigaas helayo Nasasho badan iyo waliba fur-furid badan.

Cibaadada iyo Kulanka sariirta:

Marka laga hadlayo Fikrada ah cibaadada illahay iyo in aad u dhawaato, arintaas lama macno ah in aad ka fogaato kulanka sariirta xalaasha ah ee lamaanaha xalaasha isku guursada waxana ay labada qof samayn karaan kulanka sariirta wakhtiyo gaar ah isla markaasna gudan karaan waajibaadkooda diinta Islaam-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*